XASAASI: AMISOM oo Shaqo La’aan Ah Iyo Ciidanka Xoogga Dalka Oo..

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo loogu naaneyso dowladdii ciidanka ayaa hadda waxay shaqo la’aan ka dhigtay ciidamada AMISOM ee qandaraaska ku qaatay iney ilaaliyaan nabadda Soomaliya, lana dagaallamaan Al-shabaab.

Xogta ay heshay Wakaaladda wararka ee Warqaad.com ayaa sheegeysa in DFS ay ciidanka xoogga dalka siisay awood dheeraad ah,  islamarkaana ay ku ammartay in dalka ay ka saaraan maleeshiyadda Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka oo  aan wadan AMISOM ay hadda qaadaan weerarada ka dhanka ah Al-shabaab, ayna qabteen magaalooyin badan.

Caalamka waxay hadda ogaadeen in AMISOM aanay waxbo ka hayn Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la taageero oo kaliya ciidanka xoogga dalka si dalkooda iyo dadkooda u badbaadsadaan.

Waxaa yaraaday khasaarihii ka dhalan jirey dagaallada, waayo AMISOM shacabka ayeey madaafiic ku leyn jireen, sidoo kale waxaa yaraaday dhaqaalihii badnaa ee dagaallada la qaado ku bixi jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballan ku qaaday inuu dib u dhisayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya si ay sanado gudahooda ugu hantaan amniga iyo kala dambeynta guud ee dalka.

About Admin

waxaan ahay muslim Alle adoonkiisa ah. waxaana aqoon u leeyahay arimaha la xiriira Web site-yada!

Posted on July 1, 2017, in Ugu Aqrinta Badan, Wararka Maanta, Xog and tagged . Bookmark the permalink. Leave a comment.

KA DHIIBO FEKRAD