Daawo Sawirada: Dhaqtar Toogasho ka geestay Isbitaal uu horey uga shaqeyn jiray

Dhaqtar u dhashay dalka Mareykanka ayaa toogasho ka geestay Isbitaalka Bronx-Lebanon ee Magaalada New York, dhaqtarkan ayaana la sheegay in horey uga shaqeyn jiray isbitaalkaan balse markii dambe shaqada laga eryay.

Inna la xaqiijiay hal qof ayaa ku dhintay toogashadan ka dhacday Isbitaalka Bronx-Lebanon ee Magaalada New York, waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay 6 qof oo kale oo qaarkood lasoo sheegayo in ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Dhaqtarka weerarkan ka dambeeyay oo lagu magacaabo Dr. Henry Bello ayaa isna goobtaasi isku toogtay kahor inta aysan ciidanka booliiska soo gaarin, walina lama shaacin sababta ninkan ku xumbaartay in toogashada uu geestay.

Dr. Henry Bello oo kasoo jeeda Madowga Mareykanka ayaa la sheegay in uu horey uga howl gali jiray Isbitaalka Bronx-Lebanon, shaqada ayaana laga ceyriyay dhaqtarkan kadib markii lagu eedeeyay in uu geestay fal faraxumeyn ah.

About Admin

waxaan ahay muslim Alle adoonkiisa ah. waxaana aqoon u leeyahay arimaha la xiriira Web site-yada!

Posted on July 2, 2017, in Wararka Maanta, Wararka Maanta and tagged . Bookmark the permalink. Leave a comment.

KA DHIIBO FEKRAD