Dhallinyarada Somaliland Oo Hal Arrin Darteed Ugu Soo Qulqulay Muqdisho (Akhriso)

Dhallinyarada kasoo jeeda deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ayaa kusoo qulqulay magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Farmaajo.

 Dhallinyaradan oo aad u badan ayaa magaaladan oo ah caasimadoodii islamarkaana aanay cidna ka xigin waxay usoo doonteen shaqooyin badan.

Waxay middaasi keentay in dhallinyaradaasi aanay ku hungoobin hammigoda oo ay helaan shaqooyin ay ku debaraan noloshooda iyo midda ay kasoo tageen ee reerahooda.

Taasi waxay dhiirogelisay dhallinyaradii kale oo iyaguna Muqdisho kusoo yaacay si ay shaqooyin u helaan.

Sababta arrintan ayaa ah in Muqdisho shaqooyinka ka jira aan lagu bixin qabiil iyo weji aqoonsi, balse lagu bixiyo oo kaliya aqoon iyo qibrad.

About Admin

waxaan ahay muslim Alle adoonkiisa ah. waxaana aqoon u leeyahay arimaha la xiriira Web site-yada!

Posted on July 2, 2017, in Wararka Maanta. Bookmark the permalink. Leave a comment.

KA DHIIBO FEKRAD